Dowlada Soomaliya oo Mar Kale Cafis u Fidisay Dhalinyarada ka Tirsan Xarakada Al-shabaab

0

Dowlada Soomaliya  ayaa mar kale ugu baaqday Dhalinyarada ka Tirsan Xarakada Al-shabaab in ay isaga soo baxaan islamarkaana ay ka faaideystaan Cafiska ay dowlada u Fidisay.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa mar kale ugu baaqay Dhalinyarada u dagaalanta Xarakada Al-shabaab in ay ka faaideystaan Cafiska ay Dowlada Soomaliya u Fidisay.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Sooomaliya ayaa qiray in dowladdu ay fursado kala duwan u fidisay dhalintii horey uga soo goosatay Xarakada  Al-Shabaab, isagoo xusay in la qaato baaqii  Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ee ahaa in Dhallinyarada Al-shabaab loo fidinayo cafis guud.

Dowlada Soomaliya ayaa dhowr jeer oo hore ku celcelisay in cafis loo fadinaayo Dhalinyarada ka tirsan Xarakada Al-shabaab, oo aaminsan la dagaalanka Ciidamada Dowlada Soomaliya iyo Ciidamada Midowga afrika ee Amisom.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here