Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane C/kaamil Macalin Shukri oo Waraysi gaar ah Siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Faah-faahin ka Bixiyey Xogta Wasaarada Amniga Soomaaliya ay ka war hayso halka laga Soo Abaabulo Qaraxyada iyo Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.
Afhayeen C/kaamil ayaa Sheegay in Weerarada iyo Qaraxyada ka Dhaca Magaalada Muqdisho ay Al-shabaab ka Soo Abaabulaan Meelo ka Baxsan Magaalada Muqdisho isla markaana aan lagu Diyaarin Gudaha Caasimada dalka.
“Al-shabaab Weerarada Waxa ka Soo Abaabulaan Meelo ka Durugsan Muqdisho Maxaa yeelay Gudaha Magaalada Waxaa ka Howlgala Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliya Sidaas darteen uma Suurto galayso inay Al-shabaab Qaraxyo iyo Weeraro toos ah Muqdisho Dhexdeeda ka abaabulaan” ayuu yiri Mudane C/kaamil Macalin Shukri
Afhayeenka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa Tilmaamay in Dhawaan Ciidamada Dowlada ay qaadi doonaan Howlgalo lagu Bur-burinayo Goobaha Al-shabaab ay ka soo Abaabulaan Weerarada ay geystaan Magaalada Muqdisho.
“Waxaad ogtihiin in Al-shabaab looga Adkaaday Dagaalada Tooska ka ah Ciidamadeenu ay kula galeen Deegaanada ay kaga Sugan yihiin Gobalada koonfureed iyo Howlgalada Qorshaysan ee ay Fuliyaan Ciidamada Komaandoos ka ee qeybta ka ah Xooga dalka Soomaaliyeed si daas darteed Al-shabaab waxa isku dayayaan in ay Sameeyaan qaabab kale oo ay Amaanka Dalka qalqal ku galin karaan taasi waa mida keentay Qaraxyada iyo Weerarada ay ku qaadayaan Xarumaha Muhiin ah ee Muqdisho” Ayuu Afhayeen C/kaamil ku soo gaba gabeeyey waraysiga uu siiyey Idaacada Simba.
Dowlada Soomaaliya oo Taageero Dhinacyo kala Duwan leh ka Hesha Qaarka Mid ah Wadamada Qaarada Afrika Maraykanka iyo dalal kale ayaana Wali ku guulaysan in soo Afjarto Dagaalyahanada Al-shabaab oo Muqdisho laga Saaray Sanadkii 2011-kii kuwaasi oo wali ay qatartoodu Muuqato xiligaan.

