Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta wax ay Gudbinayaan Mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye oo lagu soo oogay eedeymo badan la xariira Xil Gudasho la’aan, iyo is hor istaag kulamada baarlamanka.
Xildhibaan Xilibaan Xasan balack oo ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka Wada oo la hadlay Idacaada Simba ayaa Sheegay in Maanta ay Si Rasmi ah ugudbinayaan Mooshinka oo ay doonayaan in Xilka looga qaado Gudoomiyaha Baarlamaan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Xildhibaan Xasan balack ayaa Timaamay Mooshinka ay Gudoomiyaha ka wadaan ay Maanta ugubinayaan Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaan Koonfur Galbeed maadaama uu Dastuurku uu u ogalaanayo arintaas.
Mudane C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa xilkaan Saddexdii Bishii January ee sanadkaan, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Baydhabo.

