Ciidamada Kenya oo Lagu Eedeeyay in ay Dhac ka Geysteen Degmada Mandheere ee Gobolka Woqooyi Bari

0

Ciidamada Booliska Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay si bareer ah u dileen wiil soomali ah iyagoo sidoo kale dhac u geystay dad ku nool Deegaanka Lafey, ee Degmada Mandheera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Shacabka deegaanka Sheikh Barrow ee Degmada Lafey ayaa warbaahinta u  sheegay in dukaamadooda ay bililiqeysteen askar kenyaan ah kuwaas oo ka jawaabayay weerarkii jimcihii ka dhacay deegaankaasi o al-shabaab ay geysteen.

Mr Adhan Xasan Afey oo ah Gudoomiyaha degmada Lafey, ee deegaanka Mandheera ayaa ku eedeeyay Ciidamada Booliska Kenya in ay dhac baahansan u geysteen dadka ku dhaqan deegaanka uu gudoomiyaha ka yahay islamarkaana uu cabashadaas u gudbiyay dowlada Kenya.

Saraakiisha oo ka jawaabayay weerarki ka dhacay Fino ka dib markii koox looga shakiyay Xarakada Al-Shabab burburiyeen isgaarsiinta ay leeyihiin Safaricom habeen hore ayaa ciidamada soo laabadkodi jidkii ay marayeen loogu duugay miino halkaasoo uga dhintay hal askari “Weerarkii lagu qaaday gaarigooda Ka dib waxa ay ciidamada soo mareen xarunta laga dukaameesto ee Sheikh Barrow halka oo ay dadkii , joogay garaac ku bilaabeen .

Ciidamada Kenya markii ay dagaal kala kulmaan Xarakada Al-shabaab howlgal ay sameeyeen waxa ay dhibaatooyin ugu geystaan shacabka ku nool Gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya, oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir la leeyihiin al-shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here