Warar hoose oo Idaacadda Simba ay heleyso ayaa sheegaya in Shirkadda Korontada Siisa Magaalada Boosaaso oo lagu Magacaabo Eenaayo ay jartay gabi ahaamba korantadii ay siin jirtay xarumaha iyo wasaaradah Maamulka Puntland eek u yaalla Maglada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Sababta arintaan ayaa lagu macneeyey kadib markii ay is qilaafeen Wasaaradda Dekadaha ee Maamulka Puntland iyo waliba Shirkadda Korontada Ee Eenaayo,waxaana qilaafkaasi kadib wasaaraddu joojisay shidalkii dekadda Boosaaso ugasoo dagijiray Shirkaddaasi korantada bixisa.
Shirkadda ayaa iyana markii laga xayiray Shidaalkii ugasoo dagijiray Dekadda Boosaaso,waxaa ay jartay gabi ahanba shidaalkii ay siinjirtay Wasaaradda Dekedda iyo Xarumo kale oo wasaaradeed.
Arintaan ayaa dacwo ahan u gaartay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas,waxaana madaxweynuhu uu wafdi u magcaabay xalkeeda,inkastoo wali aan la dhaqan galin.
Maanta Magaalada Boosaaso Waxaa kulan ku yeeshay Labada dhinac kaasi oo lagu doonayo in lagu xalliyo qilaafka sababay in korontadii wasaaradaha qaar la jaro,waxana kulanka Maanta ka qaybgalay wasiirka dekadaha Maamulka Puntland iyo madaxda shirkadda Eenaayo waloow wali aysan qodobo is afgarad ah oo lagasoo saaray kulanka Maanta dhacay.

