Wararka haatan naga soo gaaraya degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in Ciidamada Hay’adda Nabada Sugida iyo sirdoonka ay caawa degmadaas ku qabteen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kadib markii ay halkaas Howlgal ka sameyeen.
Ciidamada ayaa gaaray Goobta gaariga loogu sheegay waxayna ku guulsyteen in ay gacanta ku dhigaan gaariga iyo waxyaabihii qarxa ee sarnaa sida uu idaacada simba U Sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane
Dhanka kale Qarax gaari ayaa ka dhacay degmada Waabari ee Gobolka Banaadir gaariga qarxay waxaa lahaa qof shacab ah cidna wax kuma noqonin sida goob-joogayaal u sheegeen idaacada Simba goordhaweyd.

