Baarlaamanka dalka Tunusia ayaa kalsoonidii kala laabtay Raisulwasaaraha dalkaas Xabib Essid oo mudooyinkii dambe uu cadaadis badan kaga imaanayay dhanka Baarlamanka.
Codeyn ay sameeyeen baarlamaanka Tunisiya ayaa 118 xildhibaan waxa ay u codeeyeen in Raisul wasaare Xabib Essid kalsoonida lagala laabto, iyadoo xildhibaano tiro yar oo gaaraya 27 mudane ay muujiyeen inraisul wasaaruhu uu xilka sii hayo, balse natiijayada ayaan noqon mid suura galisa rabitaanka xildhibaanadaasi.
Xildhibaanada Baarlamanka dalka Tunusia dood dheer kadib waxa ay kalsoonidii kala laabteen Raisulwasaaraha dalkaas Xabib Essid, oo dhawaan xafiiska baneen doono.

