Magaalooyinka waa weyn ee dalka Canada waxaa haatan ka socda banaanbaxyo ay dhigayaan shacab aad u fara badan oo loogu soo horjeedo dhibaatooyinka loo geysto Ajaanibta ku nool dalkaas.
Banaan baxyada ayaa waxaa looga soo horjeeda dhibaato ay u geysteen ciidanka amniga dalka Canada Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa wiil Somaliyeed oo dhawaan ku baxay gacanta ciidanka Booliska dalka Canada.
Ciidanka ammaanka dalka Canada ayaa lagu eedeeyay in ay tacadiyo kala duwan u geystaan dadka madowga ah ee kunool dalka Canada, waxaana dadka banaan baxyada dhigaya ay ku baaqayaan in wax laga qabto arintaasi.
Dhanka kale qaar ka mid ah Hay’adda u dooda xuquuqul aadanaha ee Qaramada Midoobe ayaa ku tilmaamay tacadi aan loo meel dayin in ciidanka booliska gacantooda ay ku baxaan dad badan oo madow ah oo uu ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cabdi oo muwaadin soomaliyeed oo six un loo jirdilay.

