Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Weerada Lagu Qaado Shaqaalaheeda ka Hawlgala Somaliya ay Laba Jibaarmeen

0

Hay’adda arrimaha bini aadanimada u qaabisan Qaramada Midoobay  ee magaceeda loosoo gaabiyo OCHA ayaa sheegtay  in shaqaalaha gargaarka ka shaqeeya ee Somaliya ku sugan ay lakumeen sanadkaan weeraro laba jibaar ah islmaarkana 5- ka mid ah lagu dilay Somaliya

War kasoo baxay Xafiiska xiriirirnta Arrimaha bini aadanimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay  in ka badan 80 dhacdo oo dhinaca ammaanka la xariir ay diiwaan gelisay  oo ay lakulmeen ururada gargaarka ka shaqeeya Somaliya 6dii bilood ee ugu horaysay sanadkaan taasi oo ka badan dhacdooyinkii  sanadkii 2015-kii.

Dhacdooyinkaan isdaba jooga ahaa ee ay la kulmeen shaqaalaha gargaarka ka shaqeeya ee somaliya jooga ay isugu jiraan dil dhaawac iyo qafaal,5 ka tirsan shaqaalahaas ayaa la sheegay in ladilay, 8 kalana waxaa la sheegay in la dhaawacay waxaana sidoo kale jira 3 ka mid ah shaqalaas oo la afduubtay , iyo 5 kale oo weeraro tooos ah lagu qaaday.

Xarakada Al-shabaab ee Somaliya ka dagaalanta ayaa la sheegay in ay bartilmaameedsadaan shaqaalaha gargaarka ka shaqeeya ee somaliy ka Howlgala.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here