Safiirka Turky-ga u Fadhiya Soomaliya oo Beeniyay in Dowlada Turky-ga ay Aqoonsatay Passaporka Maamulka Somali-land

0

Safiirka Turky-ga u fadhiya Soomaliya  Ambassador Olgan Bekar oo maanta shir Jaraaid ku qabtay  magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya ayaa ka  hadlay Arrimo badan.

Ugu horeyntii Safiirka Turky-ga soomaliya ayaa shacabka soomaliyeed iyo dowladooda kaga mahadceliyay si ay u garab istaageen dowlada Turky-ga intuu socday afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay 15-july ee sanadkaan 2016.

Sidoo kale Safiirka Turky-ga Ambassador Olgan Bekar  ayaa ka hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray qunsulka Soomaliya u fadhiya Somali-land oo ku aadan in Dowlada turkey-ga ay aqoonsatay Passaporka maamulkaas kadib afgambigii dalkaas ka dhacay kadib shir jaraaid uu ku qabtay Magaalada Haregysa.

“Ma aqbalin Baasaboorkooda, mana aqoonsan wax xiriir ah lama lahan arrintaas, sida la socotaan waxaa wadnaa Heshiiskii Somaliya iyo Somaliland, anaga Somaliya hal waji ayaa ku fiirinaa, waxaa ka shaqeyneynaa Somaliya inay wanaagsanaato oo ay mid ahaato, Somaliland dadka ku nool iyo Somaaliya dadka ku nool waxay noola mid yihiin hal, waxaa rabnaa inay noqdaan hal dal oo xooggan.”ayuu yiri Danjire Olgan Bekar.

Dhanka kale Safiirka Turky-ga u fadhiya Soomaliya  Ambassador Olgan Bekar ayaa ka hadlay waxa ay safaarada turky-ga ee soomaliya ka yeelayso xarumihii Hay’adda Nile academy oo lagu eedeeyay  madaxdeeda afgambigii dhicisoobay.

“Anaga iyo dowladda Somaliya ayaa ka wada shaqeyneyna sidii howlaha u sii socon lahaayeen, gaar ahaan Isbitaaladii iyo Iskuuladii ay gacanta ku heysayna anaga la wareegi doono, waxaa u sheegayaa Ardaydii dhiganeysay Iskuulada in waxbarashadooda inay dib u bilaaban doonto, bisha soo socota ee Agosto dib loo furi doono”ayuu yiri Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

turkiga2 turkiga3 turkiga4 (1) turkiga4

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here