Xildhiaan ka Tirsan Baarlamaanka Kenya oo ka Dalbaday Dawlada Kenya inay Furto Xadka u Dhexeeya Somalia iyo Kenya

0

Abass Sheikh Mohamed oo ah mudane laga soo doorto dalka Kenya ayaa sheegay inuu doonayo in la furo xuduuda u dhaxeeya Somaliya iyo Kenya si isu socodka ganacsiga iyo adeegyada labada dhinaca isaga gudba ay u noqdaan kuwo xor ah.

Mudanahaan ayaa hadalkiisa intaas ku siidaray in xiritaanka xuduudu uu keeni karo in waxyaabaha contorobanka ah iyo hubka sifudud lagu geliyo dalka Kenya.

Somalia iyo Kenya ayaa la tilmaamaa in ay wadaagaan soohdin gaaraysa 800km laga bilaabo degmada Lamu illaa iyo Wajeer.

Abass Sheikh Mohamed ayaa ka dalbaday dawlada Kenya in ay samayso xafiisyo loogu talagalay socdaalka iyo in lagu canshuuro adeegyada iyo alaabaha isga gudbaya labada dhinac.

Soohdinta u dhaxaysa Somaliya iyo Kenya ayaa ah mid aan amaankeedu sugnayn waxaana hawlgalo isdabajoog ah kasameeya xoogag ka tirsan Al-shabaab iyadoona taa bedelkeeda ciidamada Kenya xiraan xuduuda islmarkaana ay dhibaatooyin u geystaan dadka somalida ah ee ku nool labada dhinac.

Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan Gudaha dalka Kenya illaa iyo 16kii bishii October sanadkii 2011kii xiligaas oo dawlada Kenya ay ciidamo usoo dirtay Somaliya .

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here