Howlgalo Baaritaano ah ayaa saakay ka socda qeybo kamid ah degmada Xudur ee Gobolka Bakool Kadib dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay saacadihii aynu soo dhaafnay
Ciidamo ka Tirsan kuwa Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka amisom iyo ciidamada dowlada soomaliya ayaa saakay Howgalada ka sameynaya deeganada Garasweyne iyo Moora-gaabey ee Gobolka Bakool
Howlgalada ayaa kusoo aadaya xili Maalintii shalay aheyd ay weeraro isqarxin ah iyo kuwa toos ah ay deeganadaas kusoo qaadeen ciidamada al-shabaab wallow ay dowlada soomaliya ay sheegtay in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ay wali ku sugan Yihiin deeganadii dagaalada ay ka dhaceyn
Dhanka kale Afhayeenka Howgalada dhanka al-shabaab sheikh Cabdal casiis oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay In Tiro ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia in ay ku dileen weeraradii dhacay saacadihii lasoo dhaafay

