Howlgalo Saakay ka Soconaya Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

0

Howlgalo Baaritaano ah ayaa saakay ka socda qeybo kamid ah degmada Xudur ee Gobolka Bakool Kadib dagaalo iyo qaraxyo ka dhacay saacadihii aynu soo dhaafnay

Ciidamo ka Tirsan kuwa Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka amisom iyo ciidamada dowlada soomaliya ayaa saakay Howgalada ka sameynaya deeganada  Garasweyne iyo Moora-gaabey ee Gobolka Bakool

Howlgalada ayaa kusoo aadaya xili Maalintii shalay aheyd ay weeraro isqarxin ah iyo kuwa toos ah ay deeganadaas  kusoo qaadeen ciidamada al-shabaab wallow ay dowlada soomaliya ay sheegtay in ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom  ay wali ku sugan Yihiin deeganadii dagaalada ay ka dhaceyn

Dhanka kale Afhayeenka Howgalada dhanka al-shabaab sheikh Cabdal casiis oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay In Tiro ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Ethopia in ay ku dileen weeraradii dhacay saacadihii lasoo dhaafay

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here