Shirka Demoqraadigu ee ka socdo Magaalada Philadelphia, waxa xalay si rasmi ah u aqbashay Hillary Clinton in ay noqoto musharraxa xisbiga Demoqraadiga u matali doona doorashada madaxtinnimo ee dhici doonta November sanadkan 2016.
Xoghayihii Hore ee Arrimaha Dibada Dowlada Mareykanka Hillary Clinton oo qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay magaalada Philadelphia oo uu ka socdo shirka Demoqraadiga ayaa si sharaf leh ku shaacisay in ay aqbashay in ay Noqoto Musharaxa Xisbiga Demoqraadiga doorashada sanadkaan ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Magaalooyinka dalka Mareykanka maalmihii dambe waxaa ka socday shirar ay yeelanayeen Labada xisbi ee dalka Mareykanka ugu awooda badan sida Jamhuuriga iyo Demoqraadigu Musharaxa Xibsiga Jamhuuriga Me Donald Trump ayaa isana dhawaan aqbalay in uu matalo xabsigiisa.

