Cali Baashi :-Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaliyeed  Ma Aqbali Doonaan Waqti Kororsi ay Dowlada Sameysato+Dhageyso

0

Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay in haddii Sannadkaan ay doorasho dalka ka dhiciweyso aysan Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba aysan Waqti Kordhis ka Ogolaaneyn Dowlada  Hadda Jirta.

Cali baashi Faarax Cali Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca oo wareysi siiyay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka uusan marnaba aqbali doonin I waqti kororsi ay sameysato Dowlada haatan dalka ka jirta xili ay soo baxeyn in waqtigii doorashada dib looga dhigay waqtigii lagu balamaya.

Sidoo kale Cali baashi Faarax Cali Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa ku eedeeyay madaxda dowlada Soomaliya in  qorshahooda haatan uu yahay in ay mar kale majaraha u qabtaan Talada dalka.

Hadalka Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa kusoo beegmaya xili ay soo baxeyn wararka ku aadan in dib u dhac uu ku yimid waqtigii loogu talagalay Doorashada Soomaliya ka dhici laheyn sanadkaan 2016-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here