Warar lagu kalsoonan karo ay halayso idaacada simba ayaa xaqiijinaya in xilkii laga qaaday Gudoomiyihii degmada Kaxda Mudane C/xafiid iyadoo xilkaas loo magacaabay Mas’uul Cusub.
Maxamed C/wali Otaanga ayaa la sheegay in loo magacaabay xilka cusub ee Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir sida ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka.
Gudoomiyaha Cusub ee degmada Kaxda Maxamed C/wali Otaanga ayaa ah nin qibrad badan u leh dhanka Maamulka isagoo sidoo kale ah Mas’uul Wax badan kusoo dhex jirey dhanka Warbaahinta goobaha uu kasoo shaqeeyay ayaa waxaa kamid ah Wakaalada Wararka Ssoomaliya Xiligii dowlada oo haatan dib loo howlgaliyay.

