Kooxo Hubeysan ayaa caawa Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool waxa ay ku dhaawaceen mid kamid ah Mas’uuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta Telesom xarunteeda Magaaladas.
Mid kamid Mas’uuliyiinta Shirkadda oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan oo bastoolada watay ay caawa dhaawac daran ay gaarsiiyeen agaasimihii Shirkadda Isgaarsiinta Telesom xarunteeda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Cabdirisaaq Axmed Warsame, “Cabdirisaaq Dhabayaco” ayaa la sheegay in lagu dhaawacay agagaarka Xarunta Telesom ee magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

