Donald Trump oo ugu Baaqay Sirdoonka Ruushka  in ay jabsadaan Emailada Hillary Clinton

0

Musharaxa Xisbiga Janhuuriga ee dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa ugu baaqay Sirdoonka Ruushka in ay jabsadaan Emailada Hillary Clinton, si ay gacanta ugu dhigaan soddon kun oo farriimo ah.

Donald Trump ayaa tilmaamay in sirdoonka Ruushka uu ka cawin doono sidii ay u jabsan lahaayeen  Emailada Hillary Clinton oo ah haweeneyda isaga kula xifaaltamaysa doorashada dhawaan ka dhici doonta dalka Mareykanka.

Musharaxa Xisbiga Jamhuurigada ee dalka Mareykanka  Donald Trump oo Arbacadii la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inuu jecelyahay in markasta Hillary Clinton lagu eedeeyo in ay si khalad ihi u adeegsatay awoodeedii, mudadii afarta sano ahayd ee ay ahayd Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here