Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cli sharmarke aya sheegay in Guddoonka sare ee Baarlamanka soomaliya ay u gudbin doonaan Sharciga doorashooyinka dalka si ay u ansixiyaan.
Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa tilmaamay in ka Xakuumad ahaan ay ku dadaali doonaan sidii Baarlamanka Federaalka Soomaliya ay ugu gudbin lahaayeen sharciga doorashooyinka dalka.
“Hadda sharciga Doorashada waan ku daadaali doonaa in laga gaarsiiyo si ay baarlamanka u mariyeen aqrinta kowaad, labaad, iyo 3-aad, waxaa laga yabaa in waqtiga uu inooo saamixi waayo balse Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya waan kala hadli doonaa arintaan iyo sidii loo dadajin lahaa”, ayuu yiri Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

