Maamulka Khaatumo State ayaa ku hanjabay in ay dagaal la gali doonaan Maamulada Somali-land iyo Puntland oo ay sheegeen in ay kusoo xadgudbeen deeganada Maamlka Khatumo.
Afhayeenka Maamulka Khaatumo State Zakariye Maxamed oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka uusan u dulqaadan doonin dulaanka Maamulada Somali-land iyo Puntland ay kusoo qaadeen deeganada Khaatumo State islamarkaana ay dagaal la gali doonaan.
“Maamulka Khaatumo State marnaba ma ogalaan doono in lagu soo xadgudbo deeeganada uu ka amariyo waxaan idin sheegaynaa in aan dagaal la gali doono maaamulada Somali-land iyo Puntland oo dhibaatooyin u geystay shacabka reer Khaatumo “, ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Khaatumo Zakariye Maxamed.

