C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi :-“Dowlada Soomaliya Waa in ay Xoogga Saartaa Dhismaha Ciidamada iyo La Dagaalanka Al-shabaab”

0

Wasiirkii Hore Difaaca Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo u Waramay Idaacada Simba ee Mag alada Muqdisho ayaa Sheegay in Weerarada Al-shabaab looga Hortagi karo inla Dhiso Ciidamada Sirdoonka Soomaaliya Heer Gobal ilaa Heer Degmo kuwaasi oo uu hada Xusay Ahmiyada Koowaad la siinin.

“Aniga Waxaa ii Muuqata Labo Arimood oo u baahan in aad Xooga loo saaro kuwaas oo kala ah in la Dhiso Ciidamo Si gaar ah u Tababaran oo Aqoon u leh Arimaha la Dagaalanka Waxa loogu yeero Argagixisada maxaa yeelay Al-shabaab waxay Siyaasadoodii Dagaal ay u badaleen Weeraro ku Dhufo oo ka Dhaqaaq ah, Sidaas Darteed Dowlada Soomaaliya iyo Wadamada Tageera Waxaa looga Fadhiyaa in la dadajiyo Qalabaynta iyo Tababarada Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed” Wasiirkii Hore Gaashaan Dhiga Soomaaliya Mudane Fiqi ayaa sidaas Yiri.

Mudane C/xakiin Fiqi oo sii Hadalyey ayaa tilmaamay lagama Maraan inay tahay in ka Hor Sanadka 2020 xiligaas oo Waqtiga kama danbeysta ah ee Ciidamada AMISOM ay iskaga baxayaan Soomaaliya la Diyaariyo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed si ay ula Wareegaan Goobaha ay ka Howlgalaan AMISOM iyo Amaanka Guud ee Dalka waxa uuna intaa Hadalkiisa in Dowlada Soomaaliya ay ka Bixi karto inay Siiwado Dagaalka ka Dhan ah Al-shabaab iyo inay Dhisto Ciidamada Dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here