Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliya ee NISA ayaa gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ka qabtay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka Tirsan Ciidamada Nisa oo la hadlay warbaahinta Dowlada ayaa sheegay in gaarigan ay ka soo saareen hotel lagu magacaabo Cimraan oo ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha ka dib howlgal qorsheysan oo ay halkaas ka sameeyeen.
Gaariga la qabtay oo ah kaarib ayay saraakiisha ay sheegeen in ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa inkastoo aan wali la helin sawirro muujinaya in gaariga ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay qaraxyo gaari loo adeegsaday ay ka dhaceen meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho balse bartilmaameedka uu ahaa xarunta Xalane oo fariisin ay ku leeyihiin ciidamada amisom.
Baryihii dambe Hay’adaha Amniga dalka ayaa sheegayay in ay gacanta ku dhigeen gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.



