Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciyaartoyda Puntland guddoonsiiyay koobka horyaalka dowlad goboleedyada dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta si rasmi ah u soo gabagabeeyay tartankii cayaaraha dowlad goboleedyada ka dhisan dalka oo magaalada Muqdisho ka socday.

Waxaa uu Madaxweynaha koobkii horyaalnimada ee kubadda cagta ee tartankaasi uu guddoonsiiyey xulka dowlad goboleedka Puntland oo cayaartii kama dambeysta ahayd ee galabta ka dhacdey Garoonka Banaadir uga badisey xulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa markii uu abaalmarinada guddoonsiiyey cayaartoyda iyo qabanqaabiyeyaashii cayaarahan, waxaa uu sheegay in isboortiga uu ka mid yahay waxyaabaha fududeeya isdhexgalka bulshada, qeybna ka qaata nabadeynta iyo horumarka.

Daawashada cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka dowlad goboleedyada waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole iyo qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada shisheeye iyo ururrada caalamiga ee Muqdisho ku sugan.

———————————–DHAMMAAD—————–———————

IMG 1602
IMG 1721
IMG 1572
IMG 1145
IMG 1118
IMG 1589
IMG 1773
IMG 1754
IMG 1305
IMG 1663

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here