Dowlada Mareykanka iyo Qaramada Midoobe oo Si Wadajir ah u Cambaareeyay Weerarkii  ka Dhacay Meel ku Dhow Xarunta Xalane

0

Dowlada Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay qaraxyadii maanta loo adeegsaday Labada gaari ee ka dhacay meel ku dhow Xarunta Xalane oo Fariisin u ah Ciidamada Amisom .

War qoraal ah oo ay soo saartay Dowladda Mareykanka, ayay ku sheegtay inay aad uga xuntahay falalka qaraxyada noocaan ah oo ay caadeysteen Al-shabaab ay la beegsanayaan, Xarumaha iyo goobaha kale ay ku badan yihiin dadka shacabka ah aan waxba galabsan.

Warka  kasoo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowlada Mareykanka ay xoojin doonto Taagerida Dowlada Soomaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.

Dhanka kale qaramada Midoobe ayaa si kulul u cambaareysay weerarka ka dhacay meel ku dhow Xarunta Xalane oo Fariisin u ah Ciidamada Amisom.

Denjiraha Qaramada Midoobe ee Arrimaha Soomaliya Michael keating oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay  in qaramada Midoobe ay aad kaga xun tahay weerarka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here