Ciyaartooda Puntland oo ku Guuleysatay Tartankii Ciyaaraha Maamul Goboleedyada Dalka ka Jira

0

Ciyaartooyda Puntland ayaa Galabta  ku guuleysatay Koobka Maamul Goboleedyada Dalka ee Ka Socday Garoonka Banaanir Stadium ee Magaalada Muqdisho kadib Markii Gool ku laad ay kaga adkaadeen Ciyaartooyda Jubbaland.

Ciyaartaan waxaa ka qeyb galay Mas’uul ka Tirsan Dowlada soomaliya sida Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud, Raisulwasaaraha Xukuumadda soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, wasiirka Ciyaaraha Soomaliya Nuux, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusf Xuseen Jimcaale, Safiirada dalalka Jabuuti  iyo Turky-ga u fadhiya soomaliya  iyo Marti sharaf  kale.

Ciyaartaan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa labadii qeyb ee ciyaarta la ciyaaray  ayaa kusoo dhamaatay 0:0 daqiiqado  dheeri ah oo lagu daray xitaa goolal waa ay  iska dhalin waayeen ciyaartooda Puntland iyo Jubba-land.

Ugu dambeyn waxaa lagu kala saaray gool kulaad  5:3 ku guuleystay Ciyaartooda Puntland record-ka ay ka dhigeen koobaan ciyaartooda Puntland ayaa ah in aan marnaba aan laga guuleysan intuu koobka socda.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here