Ciyaartooyda Puntland ayaa Galabta ku guuleysatay Koobka Maamul Goboleedyada Dalka ee Ka Socday Garoonka Banaanir Stadium ee Magaalada Muqdisho kadib Markii Gool ku laad ay kaga adkaadeen Ciyaartooyda Jubbaland.
Ciyaartaan waxaa ka qeyb galay Mas’uul ka Tirsan Dowlada soomaliya sida Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud, Raisulwasaaraha Xukuumadda soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, wasiirka Ciyaaraha Soomaliya Nuux, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusf Xuseen Jimcaale, Safiirada dalalka Jabuuti iyo Turky-ga u fadhiya soomaliya iyo Marti sharaf kale.
Ciyaartaan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa labadii qeyb ee ciyaarta la ciyaaray ayaa kusoo dhamaatay 0:0 daqiiqado dheeri ah oo lagu daray xitaa goolal waa ay iska dhalin waayeen ciyaartooda Puntland iyo Jubba-land.
Ugu dambeyn waxaa lagu kala saaray gool kulaad 5:3 ku guuleystay Ciyaartooda Puntland record-ka ay ka dhigeen koobaan ciyaartooda Puntland ayaa ah in aan marnaba aan laga guuleysan intuu koobka socda.

