Shir loogu hadlaayo heerka Waxbarashada sare ee Wadamada Colaada ay saameeyeen ay Soomaliya kamid tahay ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
Shirkaan oo socon doona Muddo 3-cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Soomaliya C/qaadir Xaashi, Xidhibaano ka Tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaliya, Gudoomiyaha Jaamacada Umadda Soomaliya, iyo Aqoonyahano isugu jira Soomali iyo Ajaanib ka timid dalka Dibadiisa.
Ugu horeyntii waxaa shirka ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaliyeed Dr Maxamuud Jimcaale kaasi oo ka hadlay muhiimada shirka iyo marti sharafta ka qeyb galaysa Shirka meelaha ay ka yimaadeen.
Wasiirka waxbarashada soomaliya C/qaadir Xaashi oo shirka dah Furey ayaa u mahad balaaran u jeediyay madaxdii soo qaban qaabisay shirkaan, wuxuuna sheegay in shirkaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay umadda Soomaliyeed isagoo rajeeyay in Qodobo wax ku ool ah in ay kasoo baxaan.
Intuu socdo shirka ayaa la isku weedaarsan doonaa heerka waxbarashada soomaliya iyo kobaca Waxbarrashada Soomaliya ay kaga jirto Wadamada lamidka ah ee Colaadaha ay ka jiraan gaba-gabada shirka ayaa la filayaa in lagau soo saaro Qodobo muhiin.

