Finalka Tartanka Ciyaaraha Maamulka Goboleedyada oo Galabta La Ciyaarayo

0

Garoonka Banaadir Stadium ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir  Galabta waxaa lagu soo gabeyn doonaa  Ciyaarihii Dowlada Goboleedyada  dalka ka jira oo maalmihii dambe halkaas ka socda.

Ciyaarta Finalka waxaa isugu soo haray Maamulada Puntland vs Jubba-land oo bilaabasha Tartanka ila Finalka guulo la taaban kara soo gaaray.

Shalay oo isniin aheyd ayaa lagu waday in tartanka Final-kiisa la ciyaaro balse waxaa soo baxay dacwad la xiriirta In Kaptanka Puntland C/casiis Dhiidhiye uu horey ugu saftay xulka qaranka Soomaliya sanadkii 2009-kii dacwada waxaa gudbiyay Maamulka Ciyaaraha Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo Sema-finalka lagu reebay.

Baaritaano kadib xiriirka Kubadda Cagta soomaliya ayaa soo saaray warqad cadeynaysa in kaptanka kooxda Puntland C/casiis Dhiidhiye in uu safan karo ciyaarta Finalka Galabta dhacaysa.

Ciyaarta Finalka waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Maamulada  Puntland iyo Jubba-land, Madax ka Tirsan Dowlada soomaliya, iyo Mas’uuliyiin kale

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here