Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ka warbixiyay Howlgal ay ciidamada sida Gaarka ah u Tababaran ee Maamulka ay ka sameeyeen deegaano ka Tirsan Gobolka Baay.
Maxamed Maxamuud Jiirow oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliyeed oo la hadlay idaaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada ay weerar ay ku qaadeen deegaano hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay sida deegaanka Duwaarey oo uu sheegay in ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab.
Taliye Jiirow ayaa tilmaamay in Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen 20-nin oo shabaab ah oo ku naafoobay dagaaladiii ay al-shabaab galeen tan iyo markii aas-aasmeen waa siduu hadalka u dhigee Taliyaha.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay sidoo kale shalay Howlgal ka samaeeyeen deegaanka Shanqoolow oo u dhaxeeya degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo ka kala tirsan Gobalada Baay iyo Gedo iyagoo kasoo furtay dad shacab ahaa oo madax furasho lacageed ay ka doonayeen Al-shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Hub ka dhista Maleeshiyaadka iyo Tababarada Ciidanka Xasan Xuseen.

