Madaxweynaha Maamulka Puntland  oo Markii ugu Horeysay ka Hadlay Dagaaladii ka Dhacay Gobolada Sanaag iyo Heyland

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka Hadlay  Colaada kasoo Cusboonaatay deegaano ka Tirsan Gobolada  Sanaag iyo Heyland  oo ay isku haysteen Somali-land iyo Puntland.

C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uusan maamulka Puntland marnaba aqbli doonin in lagu soo duulo islamarkaana uu jawaab bixin doono daandaansiga Maamulka Somali-land iyo dhaqdhaqaaqa  ay ciidamada Somali-land maalmihii dambe kawadeen deegaana Gobolada  Sanaag iyo Heyland.

“Waan bogaadinayaa Ciidamada Puntland sida deg deg ah ay ugu jawaabeen dandaansiga Maamulka Somali-land, Runtii Puntland ma aqbali doonto daandaansi cidii kusoo xadgudubta xaduudka Puntland tilaabo ayaa laga qaadi doonaa”,ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Waxa uu amaan u jeediyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas Shacabka Gobolada Sanaag iyo Heyland oo uu ku tilmaamay kuwa geesiyaal ah isagoo hadalkiisa ku adkaaday mar kale in Puntland aysan aqbali doonin xadgudub.

Dhawaan ayay aheyd markii dagaal qasaaro dhaliyay uu ka dhacay Gobolada Sanag iyo Heyland oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Somali-land sababaha dagaalka keenay ayaa ah in Maamulka Somali-land uu doonayo in uu ku daro Goboladaas aftida doorashada dhawaan ka dhacaysa Somali-land.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here