Labo gaari oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray saakay meel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho aadan Cadde.
Labadan Baabuur ayaa waxa ay ka timid dhanka Madiina, waxaana ay soo mareen wadada Danwadagta, iyadoo mid ka mid ah gaadiidkaasi uu soo gudbay goob Koontarool aheyd oo ciidamada Nabad Suggida gaadiidka ay ku baaraan, taasi oo ku taalo meel ku dhaw Isgoyska Danwadaagta ee Magaalada Muqdisho.
Gaarigaasi soo gudbay ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay meel ku dhaw Irida ciidamada Amisom ay ka galaan qaybta Dambe ee Garoonka Aadan Cadde, waxaana si gaar ah uu gaarigaasi ugu qarxay meel ku dhaw goob ay degan yihiin Hay’ado ka tirsan UN-ka.
Ciidamada Nabad Sugida ayaa rasaas ku furey gaari kale oo doonayay in uu qarxo taasina waxa ay keentay in gaari uu meesha ku qarxo.
Inta la xaqiijiyay 14-qof ayaa ku dhimatay 9-kamid ah waa ciidamada Qaramada Midoobe, 3-askari oo ka Tirsan Ciidamada Amisom iyo 2-qof oo shacab ah oo goobta ka ak dhawaa.
Mar walba la soco Faah-faahinta Simbanews.com

