Ciidamada kumandoska Somaliya ayaa la wareegay degmada Aw-dheegle iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose kuwaasoo ay gacanta ku hayeen Xarakada Al-shabaab.
Ciidamada la wareegay degmada Aw-dheegle ayaa la sheegay in ay ka dhaqaaqeen saldhiga Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha hogaaminaya ciidamada kumandoska ee fulinaya howlgalkan Xasan C/qaadir Abuukar ayaa sheegay in howlgalku uu bilowday galabta, ayna Al-shabaab kala wareegeen Degmada Aw-Dheegle, tuulooyinka Bariire, Mubaarak iyo deegaano kale.
Xasan C/qaadir Abuukar Taliyaha hogaaminaya ciidamada kumandoska waxa uu sheegay in uusan jirin qasaaro soo gaaray Ciidamada kumaandoosta Somaliya intii uu socday Howlgalka ay ciidamada kula wareegeen degmada Aw-dheegle iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeella Hoose.
Dhanka kale warar lagu baahiyay Baraha Xarakada al-shabaab ayaa lagu beeniyay hadalka kasoo yeeray Hogaanka Ciidamada kumandoska Soomaliya.

