Ciidamada kumandoska Soomaliya oo La Wareegay Degmada Aw-dheegle iyo Deegaano kale oo ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Ciidamada kumandoska Somaliya ayaa la wareegay degmada Aw-dheegle iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose  kuwaasoo ay gacanta ku hayeen Xarakada  Al-shabaab.

Ciidamada la wareegay degmada Aw-dheegle ayaa la sheegay in ay ka dhaqaaqeen saldhiga Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha hogaaminaya ciidamada kumandoska ee fulinaya howlgalkan Xasan C/qaadir Abuukar ayaa sheegay in howlgalku uu bilowday galabta, ayna Al-shabaab kala wareegeen Degmada Aw-Dheegle, tuulooyinka Bariire, Mubaarak iyo deegaano kale.

Xasan C/qaadir Abuukar Taliyaha hogaaminaya ciidamada kumandoska  waxa uu sheegay in uusan jirin qasaaro soo gaaray Ciidamada kumaandoosta Somaliya intii uu socday Howlgalka ay ciidamada kula wareegeen degmada Aw-dheegle iyo degaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeella Hoose.

Dhanka kale warar lagu baahiyay Baraha Xarakada al-shabaab ayaa lagu beeniyay hadalka kasoo yeeray Hogaanka Ciidamada kumandoska Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here