Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug mudane Xabdikariim Xuseen Guuleed ayaa tacsi tiiraanyoleh u diray ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaanna qosyka iyo ehelka uu ka tagey marxuum Jeneraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caare).
Madaxweyne Cabdikariim ayaa tilmaamay in Jeneraal Caare Allaha U naxariistee uu kamid ahaa Saraakiishii sar sare ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), uuna ku jiray khubaradii milatari ee Xukuumaddii KMG ahayd ay ugu yeertay talo kabixinta sidii dalka loo xasilinlahaa, ciidan qaranna loo unki lahaa sanadii 2009/2010 kii. Wuxuu sidoo kale Cabdikariim Xuseen Guuleed xusay in Jeneraal Cabdiraxman Warsame uu siyaabo kala duwan ugu soo shaqeeyay qaranka Soomaaliyeed, uuna ahaa u qaybsanaha arimaha milatariga (Military Attaché) Saafaraddii Soomaaliya ee Jamhuuriyada Dadka Shiinaha sanooyinkii u dambeeyay ee Dowladdii Dhexe.
Wuxuu intaasi ku daray Madaxweyne Cabdikariim uu ku sugan dalka Hindiya in marxuum Jeneraal Cabdiraxmaan Warsame uu wakhti iyo maskax ku bixiyay sidii dib loogu yagleelilahaa XDS oo ahaa quawad aan lagu dhiiran, marka ay timaaddo cududda Geeska Afrika.
Ugu dambayntii Madaxweyne Cabdikariim ayaa Alle ugaga baryay in uu qosyka iyo ehelka samir iyo imaan ka siiyo, asagana naxariistiisa jano ku gallado.
DHAMMAAD!

