Wafdi uu Hogaaminaayay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Cabdirashiid Xidig oo ay qeyb ka ahaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado ee Saasimada KMG-ga Galmudug .
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG-ga Galmudug kusoo dhaweeyay Wafdiga Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Madax ka Tirsan Maamulka Galmudug .
Ujeedka ay u gaareen Magaalada Cadaado Wafdigaan ayaa lagu sheegay ka qeyb galka Furitanka Mashaariic Horimaneed oo laga hirgalinaayo Magalada Caadaado iyo sidii kulmo kala duwan ay ula qaadan la haayeeen madaxda Galmudug.

