Alaha ha u Naxariistee waxaa Maanta Magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameeyay Janaraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caare), oo kamid ahaa saraakiishii hore ee Ciidamada Xoogga dalka soomaliyeed oo shalay Magaalada Muqdisho ugu geeriyooaday Xanuun in mudda ah uu la jiifay.
Marxuumka ayaa lagu aasay Qabuuraha sheikh Suufi ee Degmada Wartanabadda ee Gobolka Banaadir aaskiisa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah Eheladiisa, Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya sida Taliyaha Hay’dda Nabada sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya C/laahi Gaafow Maxamuud, iyo Saraakiil kale oo isugu jirta Boolis iyo Malatari oo wax badan lasoo shaqeeyay Janaraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caare),
Ugu Horeyntii Taliyaha Hay’dda Nabada sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya C/laahi Gaafow Maxamuud, oo aaska kadib warbaahinta kula hadlay Qabuuraha Sheikh Suufi ayaa ka Tacsiyadeeday Geerida Janaraal Carre, isagoo sheegay in uu kasoo qeyb qaatay dhismihii Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.
Dhanka kale jeneraal kamid ah dadkii lasoo shaqeeyay Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caare), ayaa ku dheeraaday ka hadalka Tariikhiisa isagoo rabbi ugu baryayay Janadiisa Firdowso, wuxuu sidoo kale tilmaamay in genertaalka uu kamid ahaa saraakiishii Guushii kasoo hoyday dagaalkii u dhaxeeyay Dowladaha soomaliya iyo Ethopia ee dhacay sanadkii 1977-dii dagaalkaas oo ahaa mid lagu jabiyay awoodii Malatari ee Ethopia.
Madaxda Dowlada Soomaliya sida Madaxweynaha Somaliya xasan Shiikh Maxamuud , Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaliya C/qaadir sheikh Cali Diini, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaliyeed Saare Gaas Maxamed aadan Axmed ayaa dhamaan Umada soomaliyeed ugu Tacsiyadeeyay Geerida ku timid Janaraal Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caare).

