
Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania waxaa goordhow ka furmi doona Shirka Jaamacadda Carabta kiisa 27-aad oo sanadkaan loogu hadlaayo Arrimo badan oo Soomaliya Xiligan ka taagan.
Wakiilada joogtada ah ee Jamacadda Carabta ayaa maanta si hordhac ah ugu kulmaya dalka Mauritania, waxaana lagu wadaa in ay diyaariyaan shirkii 27-aad ee Wasiirada Jaamacdda Carabta oo ka furmaya wadankaas.
Shirkaan ayaa waxaa la filayaa in uu ka qayb galo safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Masar iyo wakiilka joogtada ah ee Imaaraadka u fadhiya ururka jaamacdda Carabta.
Wakaalada wararka ee dalka Mauritania ayaa sheegtay in ku-xigeenka guud ee Xoghayaha Jamacadda Carabta Ahmed bin Helli,uu sheegay in looga hadli doono shirkaas arrimaha Falastiiniyiinta, khilaafka ka dhexeeya Wadamada Carabta iyo Israa’iil iyo dhibaatooyinka ka taagan wadamada Somaliya Siiriya ,Yemen iyo Liibiya.
Warar hordhac ah oo kasoo baxaya Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania oo shirkaan uu ka furmayo ayaa sheegaya in arrimaha looga hadlayo sidoo kale ay ka mid tahay sidii loo taageeri lahaa dawlada Somaliya oo hada la filayo in ay gasho marxalad is badal ah.
Wasiirka arrimaha dibada ee dawlada Somaliya C/salaam Hadliye Cumar ayaa lafilayaa in uu shirkaas ka qayb galo islamarkaana uu ka jeediyo Khudbad uu kaga hadlaayo arrimaha Somaliya xiligaan ka taagan.
