Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya Dr C/naasir Cabdulle Maxamed oo Gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

0

Wafdi uu Hogaaminaayay Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya sanadkaan 2016-ka  ee Xisbiga Gurmad Dr C/naasir Cabdulle Maxamed ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta ku Wehlinaysay Socdaalkiisa Magaalada Beledweyne waxaa kamid ah Maxamed Maxamuud Guulleed (Gacmo dheere) Maxamed axmed Caalim Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, Xildhibaan C/kaafi Macalin xasan, , xuseen Axmed Qoyste(aabi) , Cabdi Jaamac(Cabdi Dheere), Pilot C/wali Jaamac Gorod, Suldaan maxamed shiikh, Xildhibaan Bashiir Diiriye Shariif iyo Mas’uuliyiin kale.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne waxaa kusoo dhaweeyay wafdiga Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya sanadkaan 2016-ka Dr C/naasir Cabdulle Maxamed  Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dadweynaha Magaalada Beledweyne oo watay sawirada Musharaxa.

Ujeedka ugu weyn uu u gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Dr C/naasir Cabdulle Maxamed  Musharaxa Madaxweynaha Soomaliya sanadkaan 2016-ka  ayaa ah sidii uu kaga qeyb gali lahaa Caleema-saarka Ugaas Xasan Ugaas Khalliif Ugaas Rooble oo maalinta bari ah ka dhici doono Magaalada Beledweyne.

Dr C/naasir Cabdulle Maxamed  oo ah Dhaqtar,Siyaasi, iyo Ganacsade ayaa ah Musharaxa  Xisbiga Gurmad ee Doorashada  Madaxtinimada ee soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here