Wasiiro ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug oo Shil Gaari ku Galay Qeybo kamid ah Gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Tiro wasiiro ah oo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug In ay shil Gaari  ku galeen Degaanka Dagaari oo qiyaastii 30 KM dhanka Koofur ka xiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Xubnaha shilka Gaari galay ayaa kala ah Wasiirka Biyaha Maamulka Galmudug iyo Wasiir Kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Maamulka Galmudug iyo ilaalo xiligaas  la socotay wasiirada sida ay soo sheegayso wariyaha Radio simba ee Magaalada cadaado

Wasiirada ayaa saakay la sheegay in ka amba-baxeen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxayna kusoo jeedeen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug sida ay wararka sheegayaan.

wixii kusoo kordha simbanews.com kala soco

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here