Xubno ka Socda Guddiga loo Magacaabay Fatahaadaha iyo Roobabka oo Gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

0

Guddiga loo magacaabay fatahaadaha iyo roobabka ee dowlada soomaliya ayaa goor dhaweyd Gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay

waxaa Hogaaminaayo wafdiga  Mudane Maxamed Cumar Carte qaalib  waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay wasiiro ka Tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya iyo saraakiil ka Tirsan ciidamada Midowga Africa ee amisom

Ujeedka ay u gaareen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa Lagu sheegay u kuurgalida xaaladaha Nololeed ee Magaalada Baydhabo iyo kulamo ay la yeelan doonaan qeybaha kala duban ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Baydhabo

Dhawaan ayay aheyd Markii wafdi uu Hogaaminaayay Maxamed cumar Carte qaalib raisulwasaare Ku xigeenka dowlada soomaliya  ay Gaareen Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here