Akhriso:-Maxkamadda Sare ee Dalka oo Go’aan Ka Gaartay Muranka Ururka Suxufiyiinta Nusoj

0

War kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ibraahim iidle Suleymaan ayaa lagu cadeeyay in Ururka Suxufiyiinta qaranka Soomaliyeed  ee dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya uu yahay kan sharciga ah islamarkaana uusan jirin urur Kale oo Nusoj la yiraahdo.

Hogaanka Urur Suxufiyiinta qaranka Soomaliyeed ee Nusoj ayaa si diiran usoo dhaweeyay Go’aanka Maxkamadda sare ee dalka  ay soo saartay.

Xoghayaha Ururka Suxufiiyinta Qaranka Soomaliyeed ee Nusoj Maxamed Ibraahim Macalimuu oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururka uu soo dhaweynayo Go’aanka Maxkamada sare ee dalka isagaoo ugu baaqay Wariyaasha Soomaliyeed in ay la shaqeeyaan Hogaanka Cusub.

Go’aanka Maxkamadda Sare

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here