Xalay xiligii salaada Maqrib Kadib hawada sare ee qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa lagu arkay daruuro midabkoodu guduud u badnaa kuwaasoo walaac iyo hadal heyn badan ku abuuray dadweynaha.
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa ka muujiyay arintaas walaac baraha Bulshada ay kuwada xiriiraan ayay isku weydiinayeen waxa ay ahaayeen duruuraha gaduudka u badnaa ee lagu arkay Hawada Magaalada Muqdisho, qaarkood ayaa islamarkiiba isku raacay in uu dab ka kacay qeybo kamid ah degmooyinka, Hodan, Waabari, iyo Howlwadag.
Idaacada simba ayaa markii dambe ogaatay in in daruurahan casaanka noqday ay sabab u yihiin iftiin xoogan oo ka soo baxaya nalal waaweyn oo lagu xiray terminalka cusub ee dekeda Muqdisho.
Qaar ka mid ah shaqaalaha terminalka ayaa sheegay in nalalkan waaweyn ee faareyaasha loo yaqaano mudooyinkan lagu mashquulsanaa hirgelintooda, ugu dambeyna Xalay la shiday.
Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Dhoore oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in daruuraha midabkooda guduudka u badnaa ay keeneen nalalka lagu xirey terminalka cusub ee dekeda Muqdisho islamarkaana uu maamulkiisa amar ku bixiyay in la damiyo.

