Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceel Jaalle Ee Duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Al-shabaab ay xalay Madaafiic ku gaaraceen saldhig ay Ciidamada Amisom ay deegaanka ku leeyihiin.
Dhowr madfac ay la sheegay in ay gudaha u galeen saldhiga ciidamada Midowga Africa ee amisom ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-jaalle ee Ee Duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo ilaa haatan aan la ogeyn qasaaraha ay geysteen.
Si aan wax badan ugu ogaano arintaan waxaan qadka Taleefanka kula xiriirnay Gudoomiyaha deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose Nuur Cusmaan Raage wuxuuna beeniyay in Xarakada Al-shabaab ay xalay madaafiic ku gaaraaceen saldhiga Amisom ay ku leeyihiin Deegaanka Ceel Jaalle.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in Madaafiicda la maqlay ay ahaayeen kuwa ay Tijaabinayeen Ciidamada Amisom islamarkaana aysan jirin qasaaro ay geysteen ila haatan.

