Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Afhayeen Hay’adda Culimada Soomaliyeed oo la hadlay idaacada simba ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay usoo jeesteen leynta Culimada Soomaliyeed iyo qof walba oo wax u taraya Umadda .
Waxa uu sheegay Shiikh Nuur Baaruud Gurxan in hadii aan laga Hortagin beegsiga ay Al-shabaab ku hayaan Culimada Soomaliyeed iyo dadka kale ee waxgalka u ah Bulshada ay keeni karto in ay sii kordhaan beegsigaas.
Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaliyeed wuxuu Bulshada Soomaliyeed ugu baaqay in ay hal meel ugu soo wadajeestan Al-shabaab oo xiligaan la joogo beegsanaya Culimada Soomaliyeed.
Hadalka Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa kusoo beegmaya xili shalay qarax loogu xirey gaarigiisa uu ka badbaaday Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Cali Ceynte, ilaa haatana ma jirto cid si rasmi ah u sheegtay falkaas.

