Mareykanka oo Soomaliya ka Caawinaya Dhinaca Tababarida Ciidamada Booliska Soomaliyeed

0

Saraakiil sar sare oo ka socotay  Booliska dalka Mareykanka ayaa booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya kadib markii ay Casuumaad  ka heleen Boliiska Somaaliyeed.

Saraakiisha oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Soomaaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.

Waxay sidoo kale la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane  Xasan Shiikh Maxamuud iyo Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke iyo saraakiil ka Tirsan Booliska Soomaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa kamid ah Dowladaha Soomaliya ka caawina Dhinaca Tababarida Ciidamada.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here