Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somali-land ayaa ku waramaya in saddex caruur ah iyo aabahood ay ku gubteen guri ku yaala magaalada Hargeysa.
Guriga falku ka dhacay oo ku yaala xaafada idaacada ee magaalada Hargeysa ayey wararku sheegayaan inuu gubtay ka dib markii uu aabaha dhalay caruurtaasi uu gubay guriga, kaas oo la sheegay inay ku kaliftay dhibaato dhinaca qoyska ah oo haysatay
Mid ka mid ah dadka goob joogayaasha ka ahaa markii uu gurigaasi gubtay ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in aabaha dhalay caruurta gurigu gubtay uu sabab u ahaa gubitaanka guriga, isla markaana ay ku dhinteen 3-dii caruur ee guriga ku sugneed.
Maamulka Magaalada Hargeysa ee Somali-land oo warbaahinta dhankooda la hadlay kadib markii uu falka ka dhacay ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen aabihii falkaan ka dambeeyay balse nasiib daro ay caruurta seddexda aheyd ay ku dhinteen dabka oo xoogiisa uu gaaray dhamaan Guriga ay ku noolaayeen.

