Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo ka Badbaaday Qarax Loogu Xirey Gaarigiisa

0

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa galabta  ka badbaaday Qarax loogu Xiray Gaarigiisa oo yaalay wadada Maka Almukarama ee Magaalada muqdisho.

Qaraxa ayaa dhacay xilli gaariga aanu saarneyn Shekha, balse u jeedku uu ahaa in lagu khaarajiyo Sheekh Yuusuf Cali Ceynte

Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geeddi ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u sheegay in qaraxa lagu xiray gaariga, halkaasna aysan ka dhalan wax qasaare ah oo soo gaaray sheekha ama dadkii kale ee ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo aad u mashquul badneyd.

Dhanka kale Hay’adda Culimada Soomaliyeed ayaa si kulul u cambaareysay isku daygii galabta lagu qaajirin lahaa Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Yuusuf Cali Ceynte.

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaliyeed oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in falka ay ka dambeeyeen kuwa doonaya in ay qaarijiyaan Culimada Soomaliyeed ee u taagan xili walba Fidinta diinta islaamka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here