Ciidamada Maamulka Jubba-land iyo kuwa Amisom oo iskaashana ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Beer-Xaano oo ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose
Saraakiil ka Tirsan maamulka Jubba-land oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Jubba-land iyo kuwa Amisom ay si nabad galyo ah deegaanka kula wareegeen iyadoo ay isaga baxeen Ciidamadii Al-shabaab.
Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom oo qaaday howlgalka qorsheysan ayaa la sheegay inay ku gaareen deegaankan Beer-xaano oo Shabaab ay ku sugnaan jireen.

