Abiikar Ibrahim :-Dhaqaalo Xumi Soo Wajahday Dowlada  ayuu u Baaqday Shirkii Magaalada kismaayo ka Dhici Lahaa.

0

Siyasiga Abiikar Ibrahim oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku sababeeyay dib u dhaca ku yimid shirka madasha wadatashiga qaranka kii ugu dambeeyay dhaqaalo xumi soo wajahday Dowladafederaalka Soomaliya.

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose 17-kii bishii aynu soo dhaafnay waxaa lagu balansanaa in uu ka furmo  shirka madasha wadatashiga qaranka kii ugu dambeeyay balse shirkaas dib u dhac ayaa ku yimid iyadoo aysan jirin wax hadal ah oo kasoo baxay madasha wadatashiga qaranka Soomaliya.

“sababaha ugu weyn uu  shirka ugu dhici waayay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose  17-kii bishii aynu soo dhaafnay waa dhaqaalo xumi soo wajahday Dowlada soomaliya, runtii dalka waxa uu ku jiraa xili kala guur ah waqtiga dowlada  muddo yar ayaa ka harsan ayuu yiri”,siyaasiga Siyasiga Abiikar Ibrahim.

Shirka madasha wadatashiga qaranka ayaa lagu qabtay Magaalooyin badan oo dalka ku yaala kii ugu dambeeyay ee lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa laga soo saaray qodobo kala duwan oo quseeya Doorashooyinka dalka ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here