Hay’adda IOM oo Soo Saartay Tirada Muhaajiriinta ku Dhimatay Sanadkaan Badda Mediterranean  

0

Hay’adda muhaajirinta caalamka ee IOM Warbixin ay maanta soo saartay ayay ku sheegtay saddex kun oo muhaajiriin ah in ay ku dhinteen badda mediterranean-ka  horaantii  sanadkaan 2016.

Hay’ada IOM ayaa sheegtay in dadka ay diiwaan galiyeen ee dhintay ay gaarayaan Tiro ahaan  illaa iyo 2,977 oo qof, kuwaas oo aanay ku jirin kuwa laga yaabo in meydadkooda laga helo xeebaha maalmaha soo socda.

In ka badan 800 oo muhaajiriin ah ayaa Khamiistii gaarey xeebaha Yurub, waxaana tirada qaxootiga ah ee Yurub gaarey sanadkan 2016-ka ay gaarayaan 242,179, sida ay Hay’adda muhaajirinta caalamka ee IOM warbixinteeda ku sheegtay.

Muhaajiriinta ugu badan ee ku dhinta Mediterranean ayaa ka yimaada dalalka Soomaliya, Ethopia iyo wadamo kale oo colaado iyo shaqo la’aan ay ka jirto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here